Maanso:-Mudane Kheyre VS Musuqmaasuq W/Curiyay Muxyadiin Xusseen Ciid * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maanso:-Mudane Kheyre VS Musuqmaasuq W/Curiyay Muxyadiin Xusseen Ciid

Xalay waxaan riyo uga marag ahaa dood dhexmarta Mudane Kheyre iyo Musuqmaasuq, anoo isku dhagaystay waxa ay isku dhigeen iyo masalooyinkii ay isla mareen, ka dibna miisaan saaray doodii anoo kii mudnaa gacan qaaday.

Waxaase cajaa’ib ahaa sida ninkii Musuq ahaa uu ugu dhiiraday in uu ku jiro, wadankana meel walba, isagoo in uu maamulo u sheegtay.

Bal aan wada daalacano

 

(Muxyadiin)

Mudane Khayre iyo

Musuqmaasuqbaa

Muran iyo dood

Isku markadoo

Isku murxiyoo

Madax iyo mijo

Mid walbaa meel

Uu maciin baday

 

Murugaase timid

Markuu musuq yiri

(Musuqmaasuq)

 

Inaad mooge tahay

Dadkaan maqashiin

Horta magac iyo

Mansabkaygaba

Hadaadan maqal

 

Malab baan ahay

Laga maarminoo

Qalbiyada mira

Danjire Martiyoo

Muqdisho yimaa

Macmiil an u ahay

Xalanaan madal

Minan quruxliyo

Maamuuskaygu yaal

 

Maxkamadahana

Garsoorka matala

Manfac baan u ahay

Malatarigana

Anaa Maamushoo

Maxbuskayga yahay
Booliiska mintida

Anaa Maalgashoo

Masruf ban u ahay

Maalqabeenada

Muqdishoo idil

Muftax baan u ahay

Madashaadiyo

Ministaradaa

Mataano la ahay.

Gudoonkena  mudan

Anaa mataloo

Mooshinada wada

 

Adna Maskiinyoow

Muwaadinimada

Aad la meeraysaa

Manhajkedu gubay

Umad maskaxdiyo

Maankii  ka dagoo

Ii mashxaradaad

U matasha Qaran

 

Maamulkii horoo

Mansabka lunshaa

Yaa imaan garan

Nin Macwis iyo

Maraduu xirnaa

Mandhow qonsadaa

Martabada seeg

 

(Muxyadiin)
Kheyraa mudac iyo

Dood Miisaanayd

Miiska soo dhigay

(Jawaabtii Kheyre)
Alla Musuqoow
Majnuunkiiyow
Maalmahaa tage

Waayo maangaab
Qabyaalad mutuxan
Muusanowgeed
Dad ku marinjiray
Walaalo midana
Miino qaraxdiyo
Masiibo dhexdood
Intay Malkiyaan
Malyuumaad lacag ah
Ka manfaci jiray
Maalmahood tage

Adaa moogane
Dawacadii Macal
Muska reerka tiil
Maalin uun heshay
Mudo dheer kadib
Halkii Maalintii
Macaluusha u tiil
Yaa la maantahay

Soomaali midoo
Maanta miyirlaa
Aan matalayaa

Danjire Martiya
Maamulka dalkaan
Meel ugama yaal

Marbaan Xalanena
Xeerka marinoo
Xisaab ay mudan

Qaadi Maxkameed
Xaqu meelmarshuu
Mansab u ku hayn

Malatarigiyo
Booliiska mintada
Suntii laga miir
Waa muwaadiniin
Marwalba u hura
Naftooda macaan
Si ay u mudaan
Calan muunadliyo
Qaran magacloo
Loo mashaxaradee

Maalqabeenada
Muftaax dawladaa
Midigta u suri

Sharcigaa magan
U ah mataloo
Ay ku meelmari

Ministaradana
Kaad Mataaniyo
Macmiil u tahaba
Mansabkuu lumin

Golaheena mudan
Shacab milgalaa
Madal ku doortoo
Dhaar ku mariyoo
Sadex Magac alle
In Masiirkii
Qarankena mudan
Malyuumaad u goyn
Kii majarahiyo
Seega marinkana
Shacabkaa marag
U ah maalintaas
Iyagaa marsiin
Xeerkay mudanyiin

Mooshinkaad wado
Ood maciin bidi
Waa markhaatigii
Inaad mayd  tahoo
Iilna  mudatoo
Magacaagii ba’ay

Yamyam baan muhan
Masalooyinkuu
Maandhow nooga tagay

Bal aan milicsado
Maalintintuu yiri
Ninka maamul iyo
Madax u ciilqaba
Mansab qabashadii
Miiska wuu gadan
Dhaarba meel u taal
Musuquu galo
Madax looga goyn
Ana masaladaas
Watan maanta xusi

Car mar ii sheeg
Qaran Musuqoow
Maalkii dowladeed
Intaad mariseen
Magacoodi jiray

Afrikadan Madoow
Adaa maan xiroo
Meesha ay taal
Marhoreba dhigay.

Hadii macanjecel
Dan guudba matalin
Marag aad u tahay

Hadii Maandeeq
Guyaal ka maqnayd
Masrax iyo miis

Waa mahad ilaah
In ay maanta timid
Ayadoo Mufti ah
Muuqeeda la dayo
Marinkeed taqaan
Dib u maaganayn

Waa mahad ilaah
Madaxdeeniyo
Shacabkoo mid ah

Waa mahad ilaah
Mahadhooyinkiyo
Masiibooyinkii
Dadkaygu mareen
Inaan Mooganayn

Waa mahad ilaah
Maslaxadii dalku
In ay maanta Tahay
Geed magooloo
Mankii bixiyoo
Ubax muunadliyo
Miro dhuguc ahi
Ka muuqanayaan

Waa mahad ilaah
Musuqoow adi
Iyo mujrim kale
Qarankeena mudan
In uu meel u hayn

(Muxyadiin ba soo galay)

Waxaan marag kici
Soomaali masuul
Dantooda matala
Maahir in ay heshay

Hadaan miisaan
Maansadaan suro
Kheyroow magacaa
Xus buu mudanyahee
Midigta isii

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!