Maamulka Xamarweyne Oo Jebiyey Dukaamo Aan Lagu Ganacsan Oo Ka Mid Ah Bacadlaha * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maamulka Xamarweyne Oo Jebiyey Dukaamo Aan Lagu Ganacsan Oo Ka Mid Ah Bacadlaha

Muqdisho – Mareeg.com: Maamulka degmada Xamarweyne ayaa maanta jabiyey dhowr ka mid ah dukaamada Bacadlaha Xamarweyne, kuwaasoo dadkii laga kireeyey furan waayeen, iyadoo dhowr bilood laga soo wareejiyey markii maamulka gobolka Banaadir dadkaas ku wareejiyey furaha.

Gudoomiyaha degmada Xamarweyne C/llaahi Sahal Gardhuub ayaa sheegay in la jebinayo dhamaan dukaamada iska xiran ee ku yaalla Bacadlaha Xamarweyne ee dadkii laga kireeyey ay ku dhaqeysan waayeen.

Dukaamada maanta la jebiyey ayaa waxaa mid ka mid ah furihiisa heysta xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna sheegay Gardhuub in la jebinayo dhamaan dukaamada iska xiran, laguna wareejinayo dadka ku ganacsanaya.

“Furaha F65 xildhibaaan ayaa ku qoran, lama qarinayo, waana la jebinayaa, jebi” ayuu yiri Gardhuub oo albaabada la jebinayey kula hadlay warbaahinta iyo shaqaalihii albaabada jebinayey.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in dadka laga kireeyey dukaamada la jebiyey ay ka dhiga adeygeen iney ku ganacsadaan qolalka la siiyey, wuxuuna intaa ku daray in sii socon doonto jebinta dukaamada la mid ah.

Dhamaaan dukaamada xirnaa ee la jebiyey ayaa isla maanta lagu wareejiyey dad ku ganacsanayey hareeraha wadooyinka iyo agagaarka Bacadlaha, kuwaasoo maamulka uga mahad celiyey dukaamada alaga kireeyey, maadaama ay weysnaayeen dukaamo ay ku ganacsadaan.

Bacadlaha Xamarweyne oo la dayactiray ayaa laga kireeyey dad kala duwan hase ahaatee qaar badan oo ka mid ah ayaan ku ganacsan dukaamada laga kireeyey, taasoo keentay in maamulka Xamarweyne dukaamadaas jebiyo.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!