Maamulka Somaliland oo xayiraad ku soo rogay Televisionka Universal

Mareeg.com-Mogadishu, Febraayo 3, 2014-Ururka Qaran ee Suxufiyiinta
Soomaaliyeed ayaa wax laga xumaado ku
tilmaamay xayiraadda maamulka Somaliland uu ku soo rogay televisionka
Universal, taasoo ah tallaabo qaawan oo lagu caburinayo xorriyadda
Saxaafadda ee gobolada ay ka taliyaan maamulkaas, isla markaasna ku
baaqay in xayiraaddaas sida ugu dhaqsiyaha badan looga qaado.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Abdullahi Cukuse oo warbaahinta kula
hadlay Hargeysa maanta ayaa sheegay inay xayireen howlihii
televisionka Universal ee Somaliland. Wasiirka ayaa ku eedeeyay
televisionka inay aflagaado u geysteen madaxweynaha Somaliland, Axmed
Maxamuud Siilaanyo.

Telefishinka ayaa bilihii u dambeeyay barnaamij la magac baxay
Faaliyaha Qaranka oo ah barnaamij majaajilo ah oo ay fanaaniin
daadihiyaan. Maalinimada Axadda ee shalay ayaa televisionka uu ku
baahiyey barnaamijkaas wareysi jillin ah oo ku saabsan madaxweynaha
Somaliland.

Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed waxa uu cambaareynayaa
falkaas lagu xayiray telefishinka Universal howlihiisii gobolaas, isla
markaana ah talaabo cad oo lagu caburinayo xorriyadda fikirka iyo tan
hadalkaba oo ay damaanad qaadeen dastuurka federalka iyo kan
Somaliland. NUSOJ waxay ka dalbeneysaa maamulka Somaliland inay sida
ugu dhakhsiyaha badan xayiraadda uga qaadeen telefishinka Universal,
una ogolaadaan in wariyayaasha iyo shacabkaba inay si xor ah u
cabiraan fikirkaan.

“Talaabada maamulka Somaliland ku xayireen telefishinka Universal waa
mid qeexeysa sida ay ugu go’an tahay inay u caburiyaan xorriyadda
fikirka.” Sidaa waxaa yiri Xoghayaha Guud ee Ururka Qaranka
Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ, waxa uuna baaqay maamulka
Somaliland inay ixtiraamaan xorriyada fikirka iyo kan saxaafadda, kana
qaadeen xayiraadda si bilaa shuruud ah eek a dhanka ah telefishinka .”
Bishii Disember ee sanadkii tegay ee 2013, maamulka Somaliland waxa ay
xireen in ka badan 10 weriye, taasoo ka dhigeysa Somaliland goobaha
ugu badan ee weriyayaasha lagu xirxiro.


For further information, please contact:
National Union of Somali Journalists (NUSOJ