Maamulka  Somaliland oo sheegay in ay xabsiga dhigeen saddex ka mid ah Shaqaale dowlada Federalka Waqti kooban * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maamulka  Somaliland oo sheegay in ay xabsiga dhigeen saddex ka mid ah Shaqaale dowlada Federalka Waqti kooban

Mareeg.com- Maamulka Somaliland ayaa waxa ay sheegeen in ay ka qabteen garoonka dayuuradaha magaalada Hargeysa saddex mas’uul oo ka mid ah dowlada Federalka Soomaaliya. Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa sheegay in saddexda ruux ay qabteen ay doonayeen in si qarsoodi ah ku galaan magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland. “Saddexda ruux waxaa soo qabtay ciidamada booliska iyagoo doonaya in ay si qarsoodi ah ku soo galaan magaalada Hargeysa,” ayuu yiri Waran-cddeWarancade ayaa sheegay in saddexda ruux ee ay soo qabteen ay kala ahaayeen Jaamac Maxamed Jaamac oo ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya Fahiima Urur Nageeye oo ka mid ah shaqaalaha xafiiska Ra’iisal wasaaraha iyo C/casiis Aadan oo diblumaasi ka tirsan wasaarada arrimaha dibada ee Soomaaliya.“Xubnaha waxay doonayeen inay Hargeysa galaan, wayna ogaayeen inuu sharci adag halkan ka yaallo xubnaha xilalka ka haya dowladda Soomaaliya waana la xisaabtamaynaa,” ayuu wasiirka oo sharraxayay eedeymaha loo haysto saddexdan qof.Mas’uuliyiintan ayaa la sheegay inay ku xiran yihiin xabsi ku yaalla Hargeysa oo aan la ogeyn, waxayna noqonayaa mas’uuliyiintii ugu horreeyay oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo sannadkan cusub lagu xiro Somaliland.Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowlada Federalka Soomaaliya oo ka hadlaya xariga loo geystay saddexdan ruux. Maamulka Somaliland ayaa waxaa ay hore dhowr jeer u sheegeen in ay maxkamad soo taagayaan dadka ka soo jeeda deegaanada Somaliland ee ka mid noqda dowlada Federalka 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!