Maamulka Siilaanyo oo lagu dhaliilay inuu lumiyey taageero uu ku helai lahaaAqoonsi
Mareeg.com-Axmed Muumin Seed gudoomiye ku xigeenka koowaad Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee Wadani ayaa Xukuumadda Somaliland ee uu Hogaammiyo Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ku dhaliilay in ay lumisay taageero ay Somaliland heysatay ka hor Xukuumadan, sida uu hadalka u dhigay, isagoona tilmaamay in Siilaanyo iyo Xukuumadiisa ay ku fashilmeen arimaha dibada iyo diplomaasiyada.
Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga Wadani ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumadii ka horeysay Xukuumadda Siilaanyo ee uu hogaaminayay Daahir Riyaale Kaahin ay Somaliland usoo hoyisay taageerada in kabadan 45-Xildhibaan oo Baarlamaanka dalka Ingiriiska kamid ah, waxa uuna ku dhaliilay Xukuumadda Siilaanyo in ay lumisay taageeradaasi oo uu sheegay in Somaliland ay ku heli laheyd Aqoonsi, isagoona ugu baaqay Xukuumadda Siilaanyo in ay ka shaqeyso sidii Aqoonsi loo gaartsiin lahaa Maamulka Somaliland.
Axmed Muumin Seed gudoomiye ku xigeenka koowaad Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee Wadani ayaa Hadalkan ka sheegay Shir Jaraa’id uu Maalinnimadii Shalay ku qabtay Magaalada Hargeisa ee Xarunta Maamulka Somaliland
Comments are closed.