Maamulka Shabeellaha Hoose: Ma jirto doon Alshabaab qafaalatay

Read Time:43 Second

Mareeg.com: Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa beeniyay war shalay kasoo baxay Alshabaab oo ahaa iney xeebta u dhaxeysa Marko iyo Baraawe ka qabsadeen doon sahaay u siday ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Baraawe.

Gudoomiye kuxigeenka dhinaca amniga Gobolka Shabeellaha Hoose, Cali Nuur Maxamed ayaa meesha ka saaray warkaas, isagoo xusay in aysan doon u isticmaalin sahayda inta u dhaxeysa Marka iyo Baraawe.

“Ma jirto wax doon ah Alshabaab qafaasheen, doon ciidan leeyahayna lama afduuban karo oo waa ay hubeysan tahay, Baraawe jaziirad kuma taalo, gobolka Shabeelaha Hoose ayay ka tirsan tahay, hadii sahay la geynayana dhulka ayaa la marsiinayaa, ma jirto sabab doon loo isticmaalo” ayuu yiri Cali Nuur Maxamed.

Alshabaab ayaa shalay sheegtay iney Badweynta Hindiya ka qafaasheen doon Sahaay iyo qaad ka qaaday degmada Marko, kuna sii jeeday Baraawe oo ka wada tirsan Shabeellaha Hoose.

Mareeg Media

 

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.