Maamulka Shabeellaha Dhexe oo dab qabadsiiyey beero Xashiish * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maamulka Shabeellaha Dhexe oo dab qabadsiiyey beero Xashiish

Jowhar – Mareeg.com: Guddoomiyaha gobalka Shabeellaha Dhexe, Cabdi Jiinow Calasow ayaa sheegay in maamulkooda uu gubay 7 beerood oo uu ku beernaa maandooriyaha Xashiiska.

Cabdi Jiinow ayaa sheegay in maamulka lagu soo wargeliyey in tuulooyin dhanka bari ka xiga Jowhar oo ay ka mid tahay Maandheere lagu beero maandooriyaha xashiiska, islamarkaana halkaa ay gaareen, ayna arkeen ilaa 7 beerood oo xashiis ah.

“Waxaa maamulka lagu soo wargeliyey in tuulooyin bari ka xiga Jowhar lagu beeray xashiish, markii aan tagnay waxaan arkay 7 beerood oo wada xashiish, dab ayaan qabadsiinay, annadoo adeegsaneynaa shidaal” ayuu yiri Cabdi Jiinow oo la hadlay VOA.

Gudoomiye Cabddi Jiinow ayaa sheegay in ganacsato Soomaali ah iyo ajaaniib ay dhaqaale ku bixin jireen maandooriyaha lagu beerayo beeraha ku yaalla Shabeellaha Dhexe, isagoo dhanka kale tilmaamay iney qabteen qaar ka mid ah dadkii beerayey xashiishka, qaar kale oo baxsadayna la raadinayo.

Wuxuu wax lala yaabo ku tilmaamay in beerihii ay ka bixi lahaayeen dalagyada bariiska iyo sisinta loo bedelay Xashiish, isagoo xusay in maandooriyahaasi loo qaadi jiray meelo ka mid ah dalka.

Guddoomiye Jiinow ayaa ballan qaaday in sida Shabaab ay ula dagaalamaan in ay ula dagaalami doonaan kooxaha beera maandooriyaha Xashiiska.

Mareeg Meida

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More