Maamulka Shabeelaha Dhexe oo qaadaya howlgallo ka dhan ah Al Shabaab
Jowhar ( Mareeg)-Guddoomiye ku xigeenka maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe Cabdullaahi Yuusuf ayaa sheegay in maamulkiisa maalmaha soo aadan ay qorsheynayaan in Al Shabaab ay ka sifeeyaan gebi ahan gobolka.
Mr Cabdullaahi Yuusuf ayaa ku nuux nuuxsaday in la wareegista deegaanka Biyo Cade ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ay tahay guul taariikhi ayna ka sifeynayaan dhammaan deegaanada kale Ururka Al Shabaab sida uu yiri.
Shalay ayaa masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe waxa ay booqasho ku taageen deegaanka Biyo Cade ee Gobolka Shabeelaha Dhexe oo Al Shabaab ay isga baxeen.
Guddoomiyaha Shabeelaha Dhexe Cali Guudlaawe Xuseen oo ka hadlay la wareegista Ceelcade ayaa sheegay in deegaankaasi Biyo Cade ay ka hirgelinayaan adeegyada Caafimaadka iyo waxbarashada intaba.
Comments are closed.