Maamulka Puntland oo xusay sanad guuradiisii 16-aad * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maamulka Puntland oo xusay sanad guuradiisii 16-aad

Mareeg.com: Xaflad lagu maamuusayo xuska sanad-guurada 16-aad ee ka soo wareegatay aasaaska maamulka Puntland oo ku beegan koowda August ayaa maanta lagu qabtay fagaare weyn oo ku yaalla magaalada Garoowe oo xarun u ah maamulkaas.

Isku soo bax ballaaran oo ka dhacday fagaaraha (Barxadda) ee Garoowe, ayaa waxaa kasoo qayb galay  madaxda ugu sareysa Puntland oo ay ugu horeeyeen madaxweynaha C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweyne ku-xigeenka C/xakiim C/laahi Camey.

Sidoo kale, waxaa xuska sanad guurada 16-aad ee asaaskii Puntland kasoo qayb galay xubno ka tirsan goleyaasha wasiirrada iyo baarlammaanka, saraakiisha ciidamada iyo kumanaan qof oo ka socdey qaybaha kala duwan ee bulshada sida: ardeyda, ururada dhallinyarada, haweenka iyo shaqaalaha.

Cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida oo isugu jirey: Daraawiish, Ciidanka Badda iyo Boolis ayaa gaaddo ka ciyaar ku sameeyey Fagaaraha Barxadda, iyagoo sidoo kale salaan sharaf u saaray madaxweynaha iyo madaxdii kale ee madasha ku sugnaa.

Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali ayaa khudbad u jeediyay dad badan oo isugu yimid fagaaraha, kuwaas oo isugu jira ardayda, shaqaalaha iyo askarta maamulka, waxayna dadkaas qaarkood ku labbisanaayeen calanka maamulka.

Cabdiweli Maxamed Cali wuxuu mahadcelin u jeediyay dadkii ka dambeeyay dhismaha maamulka oo uu sheegay inay wax badan ka faa’iideen dadka ku nool deegaannadaas.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu sidoo kale maanta khudbad ka jeediyo xarunta baarlamaanka Puntland oo xaflad weyn lagu qaban doono. Maamulka Puntland waxaa la aasaasay sanadkii 1998-kii.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!