Maamulka Puntland Oo Xiray Labo Ingiriis Iyo Faransiis Ah Oo Loo Heysto Basaasnimo

Read Time:51 Second

Garowe, Mareeg.com: Maamulka Puntland ayaa shalay ku dhawqaay inuu magaalada Garowe ku qabtay labo nin oo kasoo kala jeeda dalalka Ingiriiska iyo Faransiiska, kuwaasoo Puntland ku galay iney ka qeybqaadanayaan caawinta dadka dufaantu ku waxyeeleysay dhulkaa xeebaha u badan.

Wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe, isla markaana ragga iyo qalab ay wateen u soo bandhigay saxaafadda ayaa sheegay in xukuumadda ay soo qabatay labo nin oo looga shakisan yahay in ay yihii basaasiin.

Wasiirka ayaa sheegay in raga la qabtay markii hore ay ku soo galeen deegaanada Puntland in ay yihiin urur maamulka Puntland kala shaqeenaya arrimaha samatabixinta dadkii ku waxyeeloobay duufaanta, balse ay wadeen howlo basaasnimo ah, sida uu yiri.

Wuxuu tilmaamay wasiirku in labadan nin eedaan labada nin oo kazoo kala jeeda wadamada Ingiriiska iyo Faransiiska ay ciidamada soo qabteen 14-kii bishan November, baaritaanna lagu hayo.

Maamulka ayaa sidoo kale labadaan nin ku eedeeyey iney gurayeen kheyraadka dalka Soomaaliya, iyadoo laga helay agabyo kala duwan oo ay heysteen.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %