Maamulka Puntland Oo Sheegay In Gaalkacyo Loo Samynayo Maamul Mid Ah

Read Time:37 Second

Isagoo la hadlayay Warbaahinta Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland Xasan Maxamed Abgaalow ayaa waxa uu ka hadlay Xaaladda Guud ee Gobolka Mudug gaar ahaan Magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha ayaa xusay in Magaalada Gaalkacyo haatan ay ka howlgalaan islamarkaan ay sugaan Ammaankeeda Ciidamo Isku dhaf ah oo kala matala maamullada Puntland iyo Galmudug.

Waxaana uu carabka ku adkeeyay in ay ku tala jiraan in Magaalada Gaalkacyo ay yeelato hal Maamul sida uu yiri.

Magaalada Gaalkacyo oo ay horay u daashadeen Dhiilo colaadeed ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay markii Madaxweyne Farmaajo uu booqday halkaas waxaa isi soo tarayay is fahamka Labada Maamul ee Puntland iyo Galmudug ee Magaaladaasi , waxaana haatan si wada jir ah u wada shaqeeya Ciidamo Isku dhaf ah oo labada maamul ay leeyihiin.

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %