Maamulka Puntland oo qalab caafimaad ka helay Australia * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maamulka Puntland oo qalab caafimaad ka helay Australia

Madaxweynaha maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta guddoomay qalab caafimaad oo ay ku deeqday dowladda Australia.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in qalabkaan baahi-weyn loo qabay, wax badana uu ka badeli-doono daryeelka caafimaadka bulshada reer Puntland.

“Qof walba oo shaqsi ahi hayana shaqo dawladeed ama mid bulsho waxaa lagu qiimaynayaa laguna xasuusan doonaa markii uu meesha katago waxaa uu hayey iyo waxa uu suubiyey, Maxamed Cabaas isagoo wasiir dawle Madaxtooyo ah shaqadiisana aysan aheyn hadii uu intaas oo qalab ah keenay aad iyo aad ayuu ugu mahadsanyahay” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Mr. Gaas ayaa Madaxda Wasaarada Caafimaadka Dawladda Puntland ka dalbaday in qalabkaan caafimaad sida uu yahay ay ugu faa’iideeyaan shacabka reer Puntland islamarkaana gaarsiiyaan meelba meesha ay uga baahi badantahay.

“Dadka si cadaalad ah waa in loo gaarsiiya oo ay isku si Puntland uga faa’iidaysato qalabkaan ayaan rajaynaynaa, gaar ahaan deegaanada fog-fog oo marar badan imkaaniyaadka dawliga ah sida ay tahay ugaarin” ayuu hadalka raaciyey Madaxweyne Gaas.

Qalabkaan ayaa waxaa ay isugu jiraan Daawooyin, Sariiro casri ah oo lagu jiifiyo bukaanada, mashiino nooca dhaliya Oxygen-ka iyo sidoo kale mashiino lagu magacaabo Dialysis Machine ahna mashiin loogu talagalay in lagu daweeyo kelyaha.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.