Garowe, Mareeg.com: Gaadiidka mara wadada isku xirta Boosaaso iyo Garowe ayaa gaadiidka lagu amray iney ka joogsadaan kadib markii roobkii ka da’ay Puntland uu jaray buundada Midigar ee Sunni-Jiif oo isku xirta magaalooyina Puntland ee dhanka laamiga ah saaran.
Waxaa gaadiidka lagu amray ee aada magaalooyinka Bosaso iyo Garowe inta u dhexeysa iyo waliba kuwa kale in ay jojiyaan safaradooda kadib markii ay go’day wadadii ay isticmaali jireen
Cabdullaahi Jaamac Ilka-jiir oo ah wasiirka arrimaha gudaha maamulka Puntland oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in roobabka ay khasaare ka geysteen gobolada Bari, Sanaag, iyo Nugaal iyadoona ay jareen buundooyin.
Waxa uu intaasi ku daray wasiirka in ay dhinteen boqol qof oo badankood ku noolaa gobolada Karkaaar iyo Nugaal, waxaan la la’yhay ilaa 16 qof
“Waxaan ku wargalinaynaa maamulka gobolada Puntland iyo magaalooyinkaba in la celiyo gaadiidka isticmaala wada isku xirta Bosaso iyo Gaalkacyo inta laga hagaajinayo buundada Midigar Sunni-Jiif” ayuu yiri Cabdullaahi Jaamac Ilka-jiir.
Dhanka kale, waxaa maanta gebi ahaan go’aday wadada u dhaxeya magaalada Garowe iyo deegaanka Dangoranyo oo dhanka bari ka xigta, halkaasi oo la sheegay in ay jiireen biyaha xooga badan ee daadka ka dhashay roobabka duufaantii ku dhufatay deegaanada Puntland.
Gaadiidkii ka baxay maanta magaalada Garowe ayaa ku xaniban tuulada Sunijiif halka gaadiidkii ka yimid magaalooyinka Bosaaso iyo Qardho ay ku hakadeen degmada Dangoranyo.
Wadada hada go’aday ayaa horey qeybo kamid ah u jabtay roobab hore, balse waxaa hada la sheegay in saaka ay wadada ay jareen biyaha xooga ku socda oo soo maray toga nawaaxiga tuulada Sunijiif mara, wadada ayaa hada kala go’an isla markaana ma jiraan wax gaadiid ah oo mari kara.
Deegaanada Puntland ayaa waxaa ka da’ay roobab wata dabeylo inaksoo meelaha qaar ka roon yihiin dhulka xeebta ah oo maamulka Punland sheegay in tobanaan qof ku dhinteen.
Mareeg.com