Maamulka Puntland oo dib u bilaabaya baarsita shidaalka * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maamulka Puntland oo dib u bilaabaya baarsita shidaalka

Mareeg.com: Maamulka Puntland ayaa sheegay inuu mar kale dib u billaabi doono baarista shidaalka ee uu ka sameynayo deegaannadiisa.

Agaasimaha hay’adda macdanta iyo shidaalka ee Puntland, Ciise Faarax Dhoollawaa oo maanta saxaafadda kula hadlay Boosaaso ayaa sheegay in maamulka uu si madax-bannaan u baari doono shidaalka, si khayraadka dabiiciga ah looga faa’iideeyo bulshada.

Ciise ayaa sheegay in qandaraas ay la galeen shirkadaha shidaalka uu ka harsan yahay labo sano oo kaliya, sidaas awgeed ay ku qasban yihiin in dib loo billaabo howsha shidaal baarista.

Wuxuu intaas ku daray inay dowladda federaalka kala hadli doonaan waxyaabaha ku saabsan baarista shidaalka ee ay labada dhinac isku khilaafsan yihiin.

Dowladda federaalka ayaa horey u soo saartay wareegto mamnuucaysa in shirkado shidaal ay qandaraas ku saabsan shidaalka iyo macdanta dalka.

Maamulka Puntland ayaa horay ugu fashilmay inuu shidaal kasoo saaro deegaanada uu maamulo, iyadoo aan la ogeyn sababta uu fashilmay ceel shidaal oo horay looga bilaabay meel ka baxsan Boosaaso.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!