Maamulka Puntland iyo UNSOM oo ka wada hadlay nidaamka xisbiyada badan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maamulka Puntland iyo UNSOM oo ka wada hadlay nidaamka xisbiyada badan

Garowe – Mareeg.com: Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamedd Cali Gaas ayaa xafiiskiisa Garowe ku qaabilay mas’uuliyiin ka tirsan UNISOM, waxayna si qoto dheer uga wada hadleen arrimaha dimuqraadiyaynta iyo sidii loo dardar gelin lahaa.

Dhanka Puntland waxaa kulanka ka qayb galay qaar ka mid ah Golaha Wasiirada iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta, Sahra Siciid Nuur ayaa sheegtay in Puntland iyo shacabkeeduba ay u diyaarsan yihiin sidii looga dhabayn lahaa hir-gelinta Nidaamka Axsaabta Badan iyo Dimuqraadiyada si loo gaaro doorasho ku timaada nidaamka loo yaqaano “One Man , One Vote” oo macneheedu yahay Hal-qof , Hal-cod marka la gaaro sanadka 2018.

Saraakiisha UNISOM ayaa dhankooda ballan qaaday inay Puntland taageeromug weyn kasiin doonaan dardar gelinta barnaamijyada Dimuqradyaynta, isla markaana ay muhiim tahay in si dhakhso ah loo guda galo.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa mas’uuliyiinta UNISOM uga mahad celiyay taageerada wanaagsan ee ay doonayaan inay ku bixiyaan hirgalinta arrimaha dimuqraadiyada si shacabka Puntland ay cokooda ugu doortaan masuuliyiinta hogaamin doonta marka la gaaro sanadka 2018-ka.

Madaxeynaha Maamul Goboleedka Putnalnd ayaa si cad u sheegay in maamulkiisu ay ka dhabayn doonto oo ay fulin doonto in Puntland si dhab ah looga hir geliyo arriimaha dimuqraadiyaynta iyo nidaamka axsaabta badan maadaama ay muhiim u tahay taabaqaadka nolosha aadanaha iyo horumarka bulshada.

Xigasho: Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka Ee Madaxtooyada Puntland 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!