Maamulka oo raali gelin ka bixisay aqoonsigeeda Soomaaliland

Read Time:32 Second

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka KMG ah ee Jubba Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay raali gelin ka bixinayaan aqoonsi la sheegay Maamulka Soomaaliland ay ugu ictiraafeen ka Maamul ahaan dowlad Madax banaan.

Jeneraal Fartaag ayaa tibaaxay in Maamulka Jubbaland ay ka xun yihiin wararkaas la isla dhexmarayo ee ku aadan in ay ayidiin Madax banaanida Soomaaliland islamarkaana raali gelin ay ka bixinayaan.

Maamulka Jubbaland oo ka dhirfay go’aankii Baarlamaanka Federaalka uu ku kala diray Golaha Wakiilada Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa lagu eedeeyay arrimo badan oo ay ka mid yihiin in Calanka Sooamaliya ay gubeen islamarkaana ay aqoonsadeen Maamulka Soomaaliland.

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.