Maamulka Koonfur Galbeed Oo Soo Dhaweeyay Go'aankii Xayiraada Looga Qaaday Abuu Mansuur * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maamulka Koonfur Galbeed Oo Soo Dhaweeyay Go’aankii Xayiraada Looga Qaaday Abuu Mansuur

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay go’aankii ay dowlada Mareykanka ugu saartay Liiska Argagixisada Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo kamid ahaa Hogaamiyayaasha ugu sareeya Dagaalyahanada Ururka Al Shabaab.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo la hadlay VOA ayaa sheegay in Koonfur Galbeed Soomaaliya ay soo dhaweyeen go’aankasi isaga oo sheegay iney sharaf weyn u tahay dhammaan ummada Soomaaliyeed.

Dhinaca kale wasiirka ayaa shaaciyay in maamulka Koonfur Galbeed aysan weli heynin war rasmi ah oo uu Mukhtaar Roobow ku cadeeyay inuu ka soo goostay Ururka Al Shabab.

Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa lagu daray liiska Argagixisada Mareykanka 20kii  November 2008 afar sanno kadibna Mareykanka ayaa dul saaray madaxiisa lacag gaareysay 5 milyan oo dollarka Mareykanka.

Sanadihii ugu dambeeyay waxa uu ku noolaa deegaanka uu ka soo jeedo ee Abal oo ku yaalla duleedka Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool,halkasi oo ay ku difaacan ciidamo Maleeshiyo ah oo ay isku beel yihiin.

Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in sababta Roobow looga saaray liiska Argagixisada ay ka dambeysay wada tashiyo ay la sameysay dowlada Federaalka Soomaaliya balse dowladu weli kama hadlin arinta ninkani.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!