Maamulka Koofur Galbeed oo qancineyso dadka wax ka tabanaya maamulkooda
Baydhabo ( Mareeg)-Wasiirka Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Xasan Cabdi Max’ed oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in ay wadahadal la furayaan beelaha dhaliilsan xubnaha Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed.
Xasan Cabdi Max’ed Wasiirka maamulka Koofur Galbeed ayaa tibaaxay in waqti badan lagu bixiyay xulista Baarlamaanka maamulkaasi , isagoo carabka ku dhuftay in sharciyadii Barlamaan maamul goboleed loogu tala galay la soo marsiiyay, isagoo qiray in ay jiri karaan tabashooyin beelaha qaar ka imaan karta , diyaarna ay u yihiin cid kasta oo wax cabasho ah ka qabto qaabka loo soo xulay Xildhibaanadaasi.
Magaalada Baydhabo ayaa shalay waxaa lagu doortay guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed iyadoo ay jiraan siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanada maamulkaas kuwaas oo ka soo horjeedo qaabka uu maamulkaas wax u wado, iyadoo qaarkood maamul ay uga dhawaaqeen Gobolka Bakool.
Khilaafka hareeyay deegaanada Koofur Galbeed ayaa dadka qaar ee arrimaha dalka falanqeeya sheegaan in ay noqon karto caqabad kale eek u hor gudban 2016.
Comments are closed.