Maamulka Koofur Galbeed oo ka qeyb qaadanaya Ciidamada la qarameynayo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maamulka Koofur Galbeed oo ka qeyb qaadanaya Ciidamada la qarameynayo

Baydhabo ( Mareeg)-Wasiirka Wasaaradda Dhaqan Celinta iyo hub ka dhigista Maleeshiyaadka Maamulka Koofur Galbeed Xasan Xuseen Max’ed ayaa ka warbixiyay ka qeyb qaadashada maamulkiisa ee Isku dhafka Ciidamada qaalabka sida Soomaaliyeed.

Mr Xasan Xuseen Wasiirka dhaqan Celinta iyo Hub ka dhigista maleeshiyaadka maamulka Koofur Galbeed ayaa carabka ku adkeeyay in maamulkooda Ciidamo ka tirsan ay ku biirinayaan Ciidamada dowladda dhexe ay qarameyneyso islamarkaana ay ka qeyb qaadan doonaan qorshayaasha lagu doonayo in dalka uu ku yeesho Ciidan Milatari oo la geeyo meelaha dagaalada iyo xiisadaha uga furan yihiin Gobollada dalka.

Ciidamadaan ayuu sheegay Wasiirku in tababarro ay ku qaadanayaan deegaanno hoostaga Gobolka Baay iyagoo loo carbin doono sidii ay Howlgal uga sifeyn lahaayeen meelaha Al Shabaab ay weli uga sugan yihiin Gobollada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa indhawaanahaan ku howlaneed qorshayaal isku dhaf ay ugu sameyneyso Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed kuwaas oo laga soo kala xulayo Gobollada kala duwan ee dalka Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!