Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa sheegay inay ka fiirsanayaan arrinta Col. Barre Hiiraale oo ka mid ahaa xubnihii dagaalka la galay Axmed Madoobe ee laga saaray magaalada Kismaayo.
Sarkaal u hadlay maamulka Jubba oo lagu magacaabo Cabdiqani ayaa sheegay in arrinta Barre ay ka fiirsanayaan Maamulkooda, inkastoo wada hadaladii Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Hogaamiyaha Maamulka Jubba la isku afgartay.
Waxaa uu sheegay in Ciidamada ku sugan duleedka Kismaayo ay isku soo dhiibi doonaan boqol askari, isla markaana hubka laga dhigi doono, lana xarey doono, inkastoo heshiiska ay ku jirtay in ciidamadaas la soo xareeyo.
Maamulka Jubba ayaa u muuqda inuu dib uga guranayo qodobada qaar ee lagu heshiiyay, iyadoo shirka dib u heshiisiinta ee lagu qabanayo Muqdisho uu dhacayo 2-bisha November ee soo socota.
Gudiyo ka kala socda AMISOM, Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubba ayaa la filayaa inay dhowaan bilaabaan qorshaha ku saabsan soo xareynta Ciidamada ku sugan duleedka magaalada Kismaayo ee taabacsan Col. Barre Hiiraale