Maamulka KMG Ah Ee Juba Oo Xiray Radio Cusub Oo Saacado Kooban Hawada Ku Jiray

Read Time:1 Minute, 15 Second

Kismaayo, Mareeg.com: Ciidamo taabacsan maamulka KMG ah ee JUBA ee magaalada Kismaayo ayaa shalay albaabada isugu dhuftay Radio cusub oo shalay oo kaliya hawada soo galay, islamarkaana saacado kooban la maqlay.

Radio cusub ee ee shalay la xiray ayaa loogu magac daray Radiyowga Codka Soomaaliya (Radio Voice of Somalia), kaasoo ah Radio si gaar ah loo leeyhay.

C/weli Ibraahin Garyare oo ah milkilaha Radio Codka Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in Idaacaddu muddo dheer diyaargarow ku jirtay, shalayna hawada la geliyay, markii ay waqti yar hawada ku jirtayna ay Idaacadda tageen ciidammo ay wateen labo srakaal oo ka tirsan maamulka KMG ah ee JUBA, kuwaasoo idaacadda xiray, islamarkaana qaatay qalabkii ay ku shaqeyneysay.

Ciidamada xiray idaacaddan cusub ayaa xabsiga dhigay agaasimaha Idaacadaas oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Caynte, balse saacado kadib ayaa xoriyaddiisa loo soo celiyay, sida uu sheegay milkiilaha Idaacadda C/weli.

C/weli Ibraahin Garyare ayaa ku eedeeyey saraakiisha idaacadda xiray iney weli heystaan qalabkii Idaacaddu ku howlgeleysayt sida FM-tii, Laliskii iyo Mixer-kii iyo qalab kale.

Milkiilaha Idaacadda ayaa sheegay in idaacadda cusub oo ay furayeen ay ruqsad ka heysato maamulka KMG ah ee JUBA, islamarkaana uu warqadda ruqsada ah u saxiixay hoggaamiye ku xigeenka maamulka Jubba Gen. Abdilaahi Shiikh Ismaciil “Fartaag”.

Wuxuu C/weli Ibraahin Garyare ayaa ka dalbaday maamulka JUBA in loo cadeeyo sababta loo xiray idaacadiisa, islamarkaana loo soo celiyo qalabka laga qaatay. Maamulka KMG ah ee JUBA ilaa hadda kama hadlin idaacadda la xiray iyo sababta loo xiray.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %