Maamulka Kismaayo oo soo degsaday gaadiid farabadan oo nuuca dagaalka ah (Sawirro)

Kismaayo – Mareeg.com: Maamulka KMG ah ee Juba ee ka taliya magaalada Kismaayo ayaaa debadda ka keensaday gaadiid farabadan oo ah nuuca loo yaqaano Cabdi Bile oo sida weyn loogu adeegsado dagaallada Soomaaliya.

Sawirro warbaahintu qaadday ayaa muujinaya tobanaan gaadiidka TOTOTA, nuuca dusha ka furan ee loo yaqaano Cabdi Bile, kuwaasoo laga soo dejiyey dekedda Kismaayo.

Maamulka JUBA oo ah maamul leh mucaarad badan oo isugu jira Alshabaab, shakhsiyaad hubeysan iyo beelo ayaa la sheegay inuu aad isu hubeynayo, islamarkaana dadaal ugu jiro sidii uu adkeyn lahaa gacan ku heyntiisa Kismaayo.

Soo dejinta gaadiidka dagaalka ayaa dowladda Soomaaliya ka manuucday in laga soo dejiyo Muqdisho, iyadoo amar lagu bixiyey in gaadiidkaas aysan lasoo degi karin cid aan aheyn dowladda.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245