Maamulka Jubbaland Oo Maanta U Dhoofiyay Garoowe Askari Lagu Eedeeyay Fal Kufsi Ah + Sawirro

Maanta ayaa waxaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa ka duushay diyaarad Siday Cabdirisaaq Warsame oo ka tirsan Ciidamada Puntland kaas oo Boosaaso ka geystay fal kufsi iyo dhaawac ah.

Askarigan oo Habeeno ka hor ay qabteen Ciidamada Sirdoonka Jubbaland ayaa dhawaan Boosaaso waxa uu tacadi kufsi iyo dhaawac ah ugu geystay Gabar lagu Magacaabo Faa’izo isaga oo Xubinta Taranka Xabad kaga dhuftay.

Taliska Booliiska Jubbaland ayaa Maanta lagu arkayay kismaayo iyaga oo wada Cabdirisaaq isaga oo Gacmaah ay katiinad uga xiran tahay.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhawaan sheegay in Askarigaas oo ka tirsan ciidamada Badda Puntland la maxkamadeyn doono.

About Xuseen Axmed 1576 Articles
Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia