Maamulka Jubbaland oo kulan ka yeeshay Shirka Magalada Garoowe * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maamulka Jubbaland oo kulan ka yeeshay Shirka Magalada Garoowe

Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa Maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay Golaha wasiirada Maamulkaas,iyada oo kulanka ay uga hadleen arrimo dhowr ah oop ka jira deegaanada Jubbaland.

Kulanka waxaa shir guddoominaayey Kusimaha Madaxweynaha Jubbaland ahna Madaxweyne ku-xigeenka labaad Cabdiqadir Xaaji Maxamuud,,waxaana diirada lagu saarayarrimo ay ka mid yihiin Amniga,Abaarahasiyaasada iyo sidoo gargaar loo gaarsiin lahaa dadka abaartu saameysay eek u nool deegaanada Jubbaland.

Sidoo kale intii uu kulanka socday ayaa waxaa shirka shirka warbixinno looga dhegaystay wasaaradaha Waxbarahsada, Arrrimaha gudaha, Amniga iyo Howlaha guud iyo Guryeynta,waxaana Wasaaradaha badi ay soo bandhigeen waxqabadkoodii todobaadkaan.

Wasiirada Jubbaland ayaa shirkooda sidoo kale waxa ay ku ku bogaadiyeen shirka wadatashiga Qaran ee ka socda magaalada Garoowe, waxayna rajo wanaagsan ka muujiyeen miro dhalka shirkaasi,iyaga oo geba-gabadii dalbaday in si deg deg ah loogu gurmado dadka ay abaartu saameysay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!