Maamulka Jubbaland Oo Ka Hadlay Dagaalka Ka Dhacay Degaanka Kulbiyow Ee Gobolka Jubbada Hoose

Saraakiisha Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay Dagaalka Ciidankooda iyo kuwa Kenya oo isku dhinac ah ay la galeen Ururka Al Shabaab.

Afhayeenka Laamaha amniga Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Maxamuud (Sayid-carab) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay dileen in ka badan 20 Dagaalyahano oo Al Shabaab ka tirsan.

Axmed Maxamed Maxamuud (Sayid-carab) Afhayeenka Laamaha amniga Maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale sheegay in uu yar yahay khasaaraha dhankooda Dagaalka ka soo gaaray.

Ilaa iyo hada ma jiraan ila wareedyo ka madax banaan oo xaqiijinaya khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Dagaalkii ka dhacay Degaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubbada Hoose.
About Xuseen Axmed 1576 Articles
Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia