Maamulka Juba oo taageeray doorashada Shariif Xasan Sheekh Aadam

Mareeg.com: Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa soo dhoweeyay doorashada Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Isniintii shalay loo doortay madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya.

Afhayeenka maamulka Jubba, Cabdinaasir Seeraar oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa sheegay inay si buuxda u taageerayaan doorashada ka dhacday Baydhabo ee Shariif Xasan loogu doortay madaxweynaha maamulka saddexda gobol ee Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Cabdinaasir ayaa sheegay inuu maamulkooda soo dhoweynayo maamul kasta oo hab dastuuri ah ku yimaada, isagoo intaas raaciyay in dhismaha maamullada uu ka qeyb-qaadanayo dib u heshiisiinta iyo la dagaallanka Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay in labada maamul ay wada shaqeyn dhex mari doonto, ayna iska kaashan doonaan la dagaallanka Al-Shabaab iyo sidii kooxda looga saari lahaa deegaannada ay uga sugan tahay gobollada ay ka arrimiyaan labada maamul.

Afhayeenkii hore ee baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Isniitiil shalay doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay loogu doortay inuu noqdo madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya.

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245