Maamulka Juba oo soo bandhigay qof ay dileen iyo afar maxaabiis ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maamulka Juba oo soo bandhigay qof ay dileen iyo afar maxaabiis ah

Mareeg.com: Ciidamada maamulka Juba ayaa saaka soo bandhigay qof meyd ah iyo 4 kale oo maxaabiis ah, kuwaasoo ay sheegeen iney ka tirsan yihiin Alshabaab.

Col. Aadan Goojaar oo ka tirsan saraakiisha maamulka Juba oo warbaahinta kula hadlay xerada Luglow oo ku taalla banaanka Kismaayo ayaa sheegay iney xalay weerar ku qaadeen meel ka warheleen iney ku sugnaayeen rag ka tirsan Alshabaab.

Wuxuu sheegay Col. Aadan Goojaar iney Alshabaab ka dileen 6 ruux oo mid ka mid ah soo bandhigeen, sidoo kalana ay maxaabiis ahaan usoo qabteen ilaa 4 kale oo Alshabaab.

“Dagaalkaas jab ayaa ka gaaray Alshabaab, dhimashadoodu waa 6, dhaawacuna waa 11, 4 maxabiis ahna waan soo qabanaya, kuwa dhintay mid ka mid ah gacanta ayaa lagu dhigay” ayuu warbaahinta u sheegay Col. Aadan Goojaar.

Sarkaalkan ayaa dhanka kale sheegay iney Alshabaab ka qabsadeen 3 qori oo ah nuuca AK47 iyo 1 qori oo PKM ah.

Ma jiro war kasoo baxay Alshabaab oo ku saabsan sheegashada saraakiisha maamulka Juba ee ah iney dileen tiro Alshabaab ah, sidoo kalana maxaabiis soo qabteen.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!