Maamulka Juba oo sameystay miisaaniyad 6 bilood ah (Waa imisa?) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maamulka Juba oo sameystay miisaaniyad 6 bilood ah (Waa imisa?)

Mareeg.com: Maamulka KMG ah ee JUBA ayaa markii ugu horreysay inta uu jiro sameystay miisaaniyad sanadle ah, taasoo maamulku ku shaqeyn doono.

Golaha Wasiirrada ee maamulka KMG ah ee Jubba ayaa maanta ansixiyay miisaaniyadda cusub oo uu ku shaqeynayo maamulkaas bilaha ka dhiman sanadkan 2014.

Wasiirka maaliyadda ee maamulka KMG ah ee Jubba, Maxamed Cumar Yuusuf ayaa sheegay in miisaaniyadda cusub ay tahay dhaqaalaha ku baxaya howlaha maamulka ee bilaha June ilaa December ee sanadkan 2014.

Maxamed Cumar Yuusuf ayaa xaqiijiyay in miisaaniyadda lixdaas bilood ay dhan tahay $7 Milyan iyo $80 kun oo doollar, taas oo maamulka uu ka taageerayo sanduuqa dhaqaalaha ee dowladda Soomaaliya.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!