Maamulka Juba oo ku dhawaaqay howlgal ka dhan ah Alshabaab

two leaders

Mareeg.com: Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa sheegay in uu guda gelayo owlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo laga samaynayo deegaanno ka tirsan gobollada Jubbooyinka, xilli manta Kismaayo ay dhoolatus ka sameeyeen ciidamo tababar loo xiray.

Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) oo ah hogaamiyaha maamulka Juba ee fadhigisu yahay Kismaayo ayaa sheegay in howlgalka ciidan maanta ka billowday deegaannada galbeed ee gobollada Jubbooyinka.

Wuxuu sheegay Axmed Madoobe in howlgalkaan ay fulinayaan ciidamo gaaraya 1000 (kun askari) oo tababar loogu soo xiray magaalada Kismaayo iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya.

Axmed Madoobe ayaa xusay in wejiga koowaad ee howlgalka laga billaabayo deegaannada Buulo-Xaaji, Biroole, Buula-gaduud, Ceengeel iyo deegaano kale oo ku yaalla galbeedka gobollada Jubbooyinka.

Wuxuu Axmed Madoobe uga dhawaaqay howlgalkaan dhoollatus ay maanta magaalada Kismaayo ku sameeyeen ciidamo dhowaan tababar loogu soo xiray Jaamacadda Kismaayo ee duleedka magaalada.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245