Maamulka Juba oo ku baaqay in la gargaaro dadka abaaruhu saameeyeen * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maamulka Juba oo ku baaqay in la gargaaro dadka abaaruhu saameeyeen

Mareeg.com: Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ugu baaqay hay’adaha samafalka, kuwa Qaramada Midoobay iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in ay gargaar la gaaraan dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in dadka ku nool gobolladaas ay saameysay abaar ku dhufatay qeybo ka tirsan Soomaaliya, isla markaana ay abaartaas ku xoolo beeleen.

Wuxuu Axmed intaas ku daray in dadku ay u baahan yihiin gargaar degdeg oo dhinacyada biyaha, cuntada iyo caafimaadka ah.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Gedo ay ka mid tahay gobollada ay sida ba’an u saameysay abaarta.

Dhanka kale, Kaaliyaha arrimaha Afrika ee hay’adda Marayanka u qaabilsan horumarinta caalamiga ah  ee (USAID), Mr. Earl Gast oo shalay qadka taleefanka shir jaraa’id ugu qabtay wariyeyaal ku kala sugnaa  safaaradaha Mareykanka ee dalalka Kenya, Ghana iyo kuwo kale ayaa ka hadlay qorshaha hay’adda ee Afrika.

Mr. Earl Gast ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ay sannadkii hore ka wada hadleen sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa tayeynta hay’adaha dowladda iyo gargaarka dadka abaaruhu barakiciyeen.

Kaaliyaha ayaa xusay inay ka warhayaan abaaraha ka jira qeybo katirsan Soomaaliya, ayna sii wadi doonaan tageerada bani’aadannimo ee hay’addu gaarsiin jirtey Soomaaliya.

Hay’adda Mareyanka u qaabilsan horumarinta caalamiga ah ee (USAID) ayaa mashaariic kala duwan oo horumarineed ka fulisa gudaha dalka Soomaaliya.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!