Maamulka Juba oo ka hadlay dagaalkii lagu hoobtay ee Kudhaa (Maxey sheegeen?) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maamulka Juba oo ka hadlay dagaalkii lagu hoobtay ee Kudhaa (Maxey sheegeen?)

Mareeg.com: Maamulka KMG ah ee JUBA ayaa maanta ka hadlay dagaal lagu hoobtay oo shalay Alshabaab uga qabsadeen deegaanka Jazeeradda Kudhaa oo ka tirsan gobolka Jubada Hoose.

Afhayeenka maamulka Jubba Cabdinaasir Seeraar ayaa sheegey in dagaalkii shalay subaxdii ka dhacay Kudhaa ee Al-Shabaab soo qaadeen saddex jeer la jebiyey Al-Shabaab, hubna waa laga furtey, sida uu yiri.

Seeraar ayaa sheegay in Al-Shabaab isticmaaleen saddex gaari oo ismiidaamin ah, taas oo kaliftey in ciidanka maamulja Juba dhufeysyada isaga baxaan.

Cabdinaasir Seeraar ayaa ku sheegay tirada askarta maamulka Juba uga dhintay dagaalkaas ay gaarayaan 15 askeri oo keliya.

Wuxuu sheegay Seeraar  in Al-Shabaab ay xasuuq ka geysteen Kudhaa oo ay maalintii shalay keliya dileen 27 qof oo isugu jira haween iyo dhalinyaro.

Seeraar ayaa sheegay in dadkaan loolaayey qabiilka ay yihiin iyo in qaarkood ahaayeen kuwii ciidanka ka gedi jirey wixii ay u baahdaan.

Alshabaab ayaa sheegtay iney dagaalkii shalay ku digeen ilaa 64 ka tirsan ciidamada maamulka JUBA, inkasoo maamulkaasi sheegayo in dadkaas la laayey ay qaarokood yihiin rayid.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!