Maamulka Juba oo canbaareeyay Weerarkii ka dhacay Duleedka Gaalkacyo

Read Time:36 Second

Kismaayo —Maamulka Jubaland ayaa markii ugu horaysay canbaareeyay Weerarkii Duqeynta ahaa ee dhawaan ka dhacay Duleedka Magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka Warfaafinta ee Maamulkaas, Cabdinuur Cali Aadan oo la hadlay mediyaha ayaa waxuu beeniyay in ay taageereen Weerarkaasi la sheegay in lagu Dilay in ka badan 20 Askari.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Wasiirka waxuu meesha ka saaray in ay wax ka ogyihiin Duqeynta Diyaaradaha Mareykanka ay ku laayeen Xoogag ka tirsanaa Ciidamada Maamulka Galmudug.

“Anigoo ku hadlaya magaca Maamulka Jubaland, waxaan u sheegayaa Shacabka in aan wax taageero ah u muujin Weerarkii Duqeynta ahaa ee ka dhacay Duleedka Gaalkacyo” ayuu yiri Wasiirka.

Sikastaba, Mareykanka ayaa ku tilmaamay Weerarkaasi mid lagu Dilay ku dhawaad 10 Ruux oo ka mid ahaa Xarakada Al Shabaab.

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %