Maamulka Juba iyo AMISOM oo markale la wareegay Jaziiradda Kudhaa * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maamulka Juba iyo AMISOM oo markale la wareegay Jaziiradda Kudhaa

Mareeg.com: Wararka ka imaanaya gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM iyo kuwa maamulka Jubba ay subaxnimadii hore ee saaka gudaha u galeen Jasiirada Kudhaa ee Gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

Wararka ayaa sheegaya inuusan dagaal ka dhicin magaalada oo si nabad ah ay ciidamada isgarabsanaya oo maalmahii u dambeeyey ku sugnaa duleedka magaalada Kudhaa.

Dadka magaalada Kudhaa ayaa warbaahinta u sheegay in magaaladu degan tahay inkastoo ay sheegeen in ay ka cabsi qabeen xalay iyo shalay in dagaal ka dhaco magaalada oo dhibaato ka soo gaaro shacabka.

Horaantii bishii November sanadkii 2014kii magaalada Kudhaa waxaa weerar ku soo qaaday ciidamada Al-shabaab waxayna kala wareegeen Ciidamada Jubba oo ku sugnaa.

Dagaalkaas waxaa Alshabaab uga dileen ciidamada maamulka Juba askar farabadan oo shabaabku sheegeen iney gaarayeen ilaa 60 askari.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.