Maamulka Juba & Amisom oo guluf colaadeed ka bilaabay Jubada Hoose * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maamulka Juba & Amisom oo guluf colaadeed ka bilaabay Jubada Hoose

Mareeg.com: Wararka ka imaanaya gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Jubba iyo kuwa AMISOM ay saaka ka dhaqaaqeen magaalada Kismaayo iyagoo weerar ballaaran ku qaaday deegaano Alshabaab maamulaan.

Ciidamada maamulka Juba oo wata tikniko farabadan iyo ciidamada Kenya oo wata Taangiyo ayaa weerar ku qaaday deegaanno 30 KM dhanka woqooyi kaga beegan Kismaayo.

Ciidamada huwanta ah ayaa la wareegay deegaanka Buulo-guduud oo 30-km Waqooyi kaga beegan degmada Kismayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Deegaanka Buulo-guduud ayaa waxaa horay uga talinaysay Al-shabaab, iyadoo sidoo kale ay ciiadmadan sii mareen deegaanka Yoontooy oo dhowr iyo labaatan kiiloo-mitir iyaduna Waqooyi-kaga beegan Kismaayo, mana jirin wax iska caabin oo ay ciidamadan kala kulmeen xoogagga Al-shabaab.

Afhayeenka maamulka Juba, C/naasir Seeraar ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada ka baxay Kismaayo ay la wareegeen deegaanka Buulo-guduud.

“Ciidamada maamulka Jubba iyo kuwa AMISOM gudaha ayay u galeen Buulo-guduud oo ka mid ah deegaannadii ay kooxaha nabaddiidka ahi gacanta ku hayeen, mana jirin wax iska-caabin ah oo aan la kulannay,” ayuu yiri C/naasir Seeraar oo la socda ciidamada duulaanka wada.

Seeraar ayaa sheegay inuu jiro bartilmaameed ay doonayaan iney islamaanta gaaraan ciidamada huwanta, hase ahaatee ma magacaabin goobat ay haatan ku socdaan. Ciidamada huwanta ah ayaa qaraxyo kula kulmay wadada.

Xoogaggii Al-shabaab ee gacanta ku hayay deegaanada Yoontooy iyo Buulo-gaduud ayaa la sheegay inay aadeen dhinaca degmada Jamaame oo gobolka Jubbada hoose ka tirsan.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in ciidamada Kenya iyo kuwa maamulka Juba ay doonayaan iney gaaraay magaalooyinka Jamaae iyo Jilib.

Howlgalka ciidan ee maanta ka billowday gobolka Jubbada Hoose ayaa imaanaya xilli uu shalay madaxweynaha maamulka Jubba, Sheekh Axmed Madoobe uu sheegay inay muddo 48-ka saacadood ee soo socda ay howlgallo ka billaabi doonaan gobollada Jubbooyinka.

Qabsashada ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM qabsadeen Buulo-guduud iyo Yoontooy ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM shalay kala wareegeen Al-shabaab magaalada dekedda leh ee Baraawe, halkaasoo saldhig weyn u ahayd Al-shabaab.

Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Jubada Hoose ayaa leh xad, waxaana labada dhinac uga sii durgaya ciidamada dowladda Federaalka ah iyo ciidamada Uganada, halka ay dhanka Jubada Hoose uga socdaan ciidamada maamulka Juba iyo Kenya.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!