Maamulka Hirshabelle oo yeelanaya Ciidamo CUSUB

Read Time:43 Second

Maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in ay dhisanayaan Ciidamo u gaar ah kadib markii Degaanada Gobolka Sh.Dhexe ay isaga baxeen Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya.

Ciidamada militariga ayaa ujeedka ay uga soo baxeen furimaha Dagaalka waxey ku sheegeen mushaar la’aan muddo afar billood ah.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Hir-Shabeelle Cabdiweli Maxamed Cabdi ayaa sheegay in deegaanadii ay Ciidamada Millateriga kasoo baxeen ay geeyeen Ciidamo boolis ah, isla markaana ay caawinayaan Ciidamada AMISOM oo ku sugan deegaanadii ay ciidamada soo baneeyeen.

Waxa uu sheegay Wasiirka in ay rajeynayaan in dhawaan la bilaabo dhismaha Ciidamadaas u gaarka ah Maamulka Hir-Shabeelle, kadib soo bixitaankii Ciidamada Millateriga Soomaaliya ee deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha dhexe.

Dhawaan ayay aheyd markii Maamulka Hir-Shabeelle markii ugu hgorreysay loo sameeyey Ciidamo boolis ah,kuwaas oo ka qeyb qaadanaya sugida amniga sigaar ah deegaanadii ay kasoo baxeen Ciidamada Dowladda.

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.