Maamulka Hirshabelle oo ku Baaqay in la Joojiye Colaada ka Soo cuboonaatay Gobalka Hiiraan. — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maamulka Hirshabelle oo ku Baaqay in la Joojiye Colaada ka Soo cuboonaatay Gobalka Hiiraan.

Jowhar ( Mareeg News ) Iyadoo saacadihii la soo dhafay dagaal beeledyo dhimasho iyo dhaawac geestay ay ka dhaceen deegaanka hareeri qurun iyo Bacda Nuur Gurey ee degmada Matabaan Goblka Hiraan kaa soo u dhexeeya beelo Walaalo ah oo Wadaaga deegnaadaasi ayaa maamulka Hirshabelle waxa uu ka soo saaray baaq ku aadan joojinta Colaadaas.

Maamulka Hirshabelle ayaa si kulul uga hadlay colaada ka soo cusboonaatay deegaanada hoostaga degmooyinka matabaan iyo Maxaas ee gobalka Hiiraan.

Wasiirka Warfaafinda Dolwada Gobaleedka Hirshabelle C/wali Maxamed Cabdi oo Warbaahinta la hadlay ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo Joojiye Colaada ka soo cusboonaatay deegaanada Hareeri Qurun iyo Bacda Nuur Gureey ee Gobalka Hiraan.
“Waa ayaan daro iyadoo lagu gudo jiro bisha Barkeysan ee Ramadaan in dad muslimiin ah oo Sooman uu dhiigoodu daato, waxaan ku baaqaya in la joojiyo dagaalka isla markaana miiska wada hadalka isagu yimaadaan” ayuu Yiri wasiirka Warfaafinta Hirshabelle C/wali Maxamed Cabdi.

Wasiirka Warfaafinta ayaa intaa ku daray in Maamulka Hirshabelle uu xil saaray Gudi ku Baxa Joojinta Colaadaha ka Soo cusboonaaday Qeybo ka mid ah Gobalka Hiiraan.

Sidoo kale Wasiir ku xigeenka Wasaarada kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda C/Rashid Cali Caddow ayaa dhankiisa ku biiriye Baaq ku adan Joojinta Collaada dhiiga ku daadaneysa ee haatan ka soo cusboonaaday Gobalka Hiiraan, isagoo ka codsaday in lajoojiyo Dagaalka.

Dagaal Beeleedkaan ayaa ku soo beegmaya xili horaantii bishaan la soo afjaray Colaada u dhexeeysa labadaan beelood ee walalaha ah lama oga sababta ka dambeysa in dib mar kale labadaan beelood uga dhex qarxo Dagaalka.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!