Maamulka Gobollada dhexe oo wasiiro u kala direy degmoyinka  Caabudwaaq  iyo ceelbuur * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maamulka Gobollada dhexe oo wasiiro u kala direy degmoyinka  Caabudwaaq  iyo ceelbuur

Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa maanta ku sii jeeda degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud, halkaasoo ka mid ah deegaanada ay go’doomiyeen Al-Shabaab.

 

Booqashada wafdigan Wasiirada iyo Xildhibaanada Maamulka Galmudug ayaa salka ku heysa u kuur gelida xaaladaha degmada Ceelbuur iyo sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha adeegyada aas aasiga ah ee ay u baahan tahay degmadaas.

Ammaanka degmada Ceelbuur ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana wafdiga ay kula kulmayaan degmada saraakiisha ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ee gacanta ku haya magaalada.

Sidoo kale waxaa socda qorshe dib loogu howl gelinayo ceelkii magaalada ee biyaha laga cabi jiray, kaasoo qalabkii laga furay ka hor inta aysan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda la wareegin.

Degmada Ceelbuur ayaa tan iyo markii ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM la wareegeen sanadkii hore ayaa waxay degmada aheyd mid haawaneysa oo dadkii ku noolaa ay ka barakaceen, kadib markii Al-Shabaab ku qasbeen inay ka baxaan degmada, waxaana degmada ay tahay mid go’doon ku jirta.

 

                                  Caabudwaaq

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobollada Dhexe ayaa gaaray degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Mursal Max’ed Xeefow Afhayeenka Maamulka Gobollada Dhexe , masuuliyiinta Caabudwaaq booqatay ayaa waxaa hoggaaminayay Madaxweyne ku xigeenka maamulkaas.

Booqashadaan ayaa Maamul Goboleedka Gobollada dhexe masuuliyiintiisa ay uga golleeyihiin in ay isku ballaariyaan deegaanada maamulkooda uu ka arrimiyo.

Hayeeshee Caabudwaaq ayaa horay waxaa u booqday Madaxweyne ku xigeenka Galmudug kaas oo sheegay in ay hoostagto maamulkiisa.

Gobollada dhexe ayaa waxaa ka jira hardan u dhexeeya Maamullada Galmudug iyo Gobollada dhexe oo ku aadan maamulida deegaanadaasi.

 

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More