Maamulka gobolka Hiiraan oo soo dhaweeyay doorashadii shalay ka dhacday magaalada Jowhar

Read Time:39 Second

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed hagar (Dabageed) ayaa soo dhoweeyey doorashadii ka dhacday magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe.

Xildhibaanada Baarlamanka Hirshabeelle ayaa u doortay Madaxweynaha maamulkaas Cali C/llaahi Cosoble, iyagoo Madaxweyne ku-xigeena u doortay Cali Guudlaawe oo ahaa guddoomiyihii gobolka Sh/dhexe.

Yuusuf Dagabeed ayaa sheegay in doorashadaasi ay ku dhacday si cadaalad ah wuxuuna u hambalyeeyey madaxda cusub ee la doortay.

“Maamul aan aheyn Hirshabelle kama shaqeyn doono gobolka Hiiraan, maxaa yeelay waa maamul xalaal ah oo doorasho ku yimid, waana la shaqeyn doonnaa” ayuu yiri gudoomiye dabageed oo saxaafada kula hadlay magaalada Beled-weyne.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa ugu baaqay shacabka gobolkaas iney la shaqeeyaan, gacmo furana ku soo dhoweeyaan maamulka cusub ee Hirshabelle, isagoo dhinaca xusay iney ka hortegi doonaan cidii isku dayda iney carqaladeyso

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %