Maamulka Gobolka Hiiraan Oo Sheegay Inuu Ku Guuleystay Heshiisiinta Labo Beelood * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maamulka Gobolka Hiiraan Oo Sheegay Inuu Ku Guuleystay Heshiisiinta Labo Beelood

Baledweyne, Mareeg.com: Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan ayaa maanta sheegay inay ku guuleysteen dib u heshiisiin ay saddex maalin u joogeen deegaannada Deefow, Kabxanley iyo Jeerrey oo ka tirsan gobolka Hiiraan oo ay beelo ku dagaallameen.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo ayaa sheegay in heshiis ay dhex dhigeen beelaha dagaallamay, ciidan ka tirsan dowladda federaalkana ay geeyeen deegaannada lagu dagaallamay.

“Waxaan joognaa Kabxanleey marka waxaa la idinka rabaa in aad dadka soo dhaweysaan oo ay dib ugu soo laabtaan, socodna aad ku martaan deegaannada Deefoow, Kabxanleey iyo Jeereey, teeda kale deegaannadaasi laguma arki karro qof shacab ah oo hub ku dhex sita” ayuu yiri Laqanyo.

Wuxuu ugu baaqay dadka deegaanka inay ka shaqeeyaan nabadda iyo horumarka gobolka Hiiraan.

Mas’uuliyiinta oo ay wehliyeen saraakiil ka tirsan ciidanka AMISOM ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!