Maamulka Gobolka Hiiraan Oo Ka Hadlay Weerarkii Baledweyne & Alshabaab Oo Sheegtay

Read Time:1 Minute, 59 Second

Baledweyne, Mareeg.com: Ku dhawaad 10 ruux oo ay ku jiraan ragii ka tirsanaa Alshabaaab ee saaka weeraray saldhiga booliska goblka Hiiraan ayaa la sheegay iney geeriyoodeen kadib qaraxyo iyo rasaaseyn ka dhacday saldhiga booliska gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha goboka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo warbaahinta hadal kooban siiyey weerarka kadib ayaa sheegay in Alshabaab aysan weerarkaas ka gaarin dantii ay ka lahaayeen, wuxuuna xusay in gaarigii ay wateen ee doonayey inuu galo saldhiga uu waayey meel uu ka maro gaari weyn oo horay ciidamada Jabuuti ugu jareen albaabka laga galo saldhiga.

Taliyaha ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM, ee ku sugan magaalada Baledweyne ayaa sheegay in kooxda weerarka ku qaaday saldhiga oo ka tirsanaa Alshabaab ay awoodi waayeen iney saldhiga gudaha u galaan.

Labada Mas’uul ma sheegin tiro cayiman oo wax ku noqotay weerarka manta ka dhacay magaalada Baledweyne, inkastoo ay xuseen in dadka dhintay ama waxyeeloobay ay u badan yihiin rayid.

Dhanka kale, Alshabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka maanta ka dhacay magaalada Baledweyne ee xarrunta gobolka Hiiraan, kaasoo dhowr qof oo dumar ka midyihiin ay ku dhinteen.

Afhayeenka howl galada Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in weerarka ay ku qaadeen saldhiga Beledweyn inay ka dambeeyeen, isla markaana qaar ka tirsan askartooda ay gudaha u galeen.

“Anaga ka dambeynay weerarka saldhiga Beledweyn, ciidamadeena ayaa gudaha u galay, waxaa dilnay 18-askari oo isugu jira saraakiil Itoobiyaan iyo Jabuutiyan” ayuu yiri Abuu Muscab oo la hadlay warbaahinta.

Abuu Muscab ayaa sheegay in weerarkan uu bartilmaameedkiisa ahaa Ciidamada Jabuuti iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan Beledweyn.

Qaraxa gaari ayaa dhulka ku daray Aargada caaanka ee magaalada Baledweyne, iyadoo uu jabeiyey gaarigii naftsii huruhu watay.

Weerarka ismiidaaminta ah oo ahaa mid loo adegsaday gaari walxaha qarax laga soo buuxiyay ayaa ku qarxay albaabka hore ee saldhiga, iyadoo intaa kadibna la mqlayay rasaas toos ah oo ay is-weydaarsadeen ciidamada maamulka iyo kuwa Jabuuti iyo kooxo la sheegay in ay weerar ku qaadeen gudaha saldhiga.

Hubka garbaha laga tuuro iyo rasaas ka dhaceysay qoryaha boobaha ah ayaa qadar daqiiqado ah waxaa laga maqlayay gudaha iyo agagaarka saldhiga booliiska oo la sheegay in ay gudaha u galeen kooxo hubeysan oo markii uu qaraxa dhacay kadib weerar toos ah ku qaaday.

Ciidamada maamulka gobolka Hiiraan ayaa markiiba isku fidiyay magaalada gaar ahaan agagaarka saldhiga booliiska, kuwaa oo dagaal toos ah la gallay kooxaha weerarka soo qaaday.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %