Maamulka Gobolka Hiiraan oo isu diyaarinaya marti gelinta Shirka Maamul u sameynta Sh/Dhexe Iyo Hiiraan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maamulka Gobolka Hiiraan oo isu diyaarinaya marti gelinta Shirka Maamul u sameynta Sh/Dhexe Iyo Hiiraan

Baladweyne ( Mareeg)-Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan ayaa sheegay in ay socoto diyaar garow ku aadan shirka Maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Sheekh Xuseen ayaa tilmaamay in dhammaan Ciidamada Gobolka Hiiraan ay ka shaqeynayaan xoojinta Nabad Gelyada Magaalada Baladweyne oo la filayo sida uu sheegay in shirkaas lagu qabto.

Guddoomiyaha ayaa dhinaca kale waxa uu shaaca ka qaaday in shirkii hore uga socday Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ee lagu heshiisiinayay beelaha wada dega Gobolkaas in ay hakisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya wuxuuna xusay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay ballan qaaday in shirka uu ka dhacay Magaalada Baladweyne.

Dhawaan ayey ahayd markii Gobollada Mudug iyo Galgaduud loo yagleelay Maamul Goboleed la Magac baxay Galmudug iyadoona dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qeybaha Bulshada Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan ay u tafa xeedan yihiin in Maamul Goboleed loo sameeyo Gobolladaasi.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!