Maamulka Gobolka Hiiraan oo beeniyay in Ergooyin ka soo jeeda Gobolkaas ay isaga baxeen Shirka Jowhar

Baladweyne ( Mareeg)-Sheekh Xuseen Cismaan Cali Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegaya in Odayaasha ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ee ka qeyb galay furitaankii Shirka Jowhar ay ku laabteen Magaalada Baladweyne.

“ wax Ergooyin ah oo maamulka Gobolka Hiiran u matalayay Shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee ka furmay Jowhar oo dib ugu laabtay Baladweyne ma jiraan” sidaas waxaa yiri Sheekh Xuseen Cismaan Cali Guddoomiye ku xigeenka dhinaca arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Hiiran.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka Gobolka Hiiraan ayaa qiray in ay jiran Beelo ka cabanaya hanaanka loo soo xulay dadka soo xulaya Ergooyinka ka qeyb galaya Shirka Jowhar.

Si kastaba qaar ka mid ah Beelaha ka soo jeeda Gobolka Hiiran ayaa dhawaan sheegay in cadaalad darro lagu sameeyay islamarkaana ay isaga baxeen Shirka ka furmay Magaalada Jowhar.

About Xuseen Axmed 1576 Articles
Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia