Maamulka Gobolka Hiiraan: Kulamada Madaxweynaha kuma soo dhamaan natiijo la’aan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maamulka Gobolka Hiiraan: Kulamada Madaxweynaha kuma soo dhamaan natiijo la’aan

Baladweyne (Mareeg.com)—Guddoomiye ku xigeenka dhanka arimaha Bulshada ee Gobolka Hiiraan, Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa waxuu beeniyay in kulamada uu Madaxweynaha Magaalada Baladweyne kula qaadanayo Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Hiiraan ay yihiin kuwa la isku mari la’yahay.

Sheekh Xuseen ayaa tilmaamay in Odayaasha Dhaqanka ay qaateen talooyin loo soo jeediyay oo ku aadan in Magaalada Jowhar lagu qabto Shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Guddoomiye Sheekh Xuseen waxuuna intaasi ku daray in dhamaan qodobadii ay ka wada hadlayeen Wafdiga uu hogaaminayay Madaxweynaha la isku afgartay wallow uu xusay in ay jiraan Odayaasha qaar oo weli ka dhaga adeegaya in Jowhar lagu qabto Shirka Maamulka loogu sameenayo labadaasi Gobol.

Ugu dambeyn, Guddoomiye ku xigeenka dhanka arimaha Bulshada ee Gobolka Hiiraan, Sheekh Xuseen Cismaan Cali ayaa hoosta waxuu ka xariiqay in mowqifka Maamulkooda uu yahay in wax walba oo wax ku ool ah ay ku raacaan Dowladda islamarkaana ay taageersan yihiin in Magaalada Jowhar uu ku qabsoomo Shirka lagu mideenayo Gobolada Hiiraan iyo Sh.Dhexe

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!