Maamulka Gobolka Banaadir: Reer Muqdishow Haka Baqina Hanjabaadda Alshabaab

Read Time:56 Second

Muqdisho, Mareeg.com: Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shacabka Muqdisho ugu baaqay ineysan cabsi gelin hadal kasoo yeeray ninka Alshabaab u qaabilsan gobolka Banaadir ee lagu magacaabo Sheekh Cali Maxamed Xuseen, kaasoo dadka uga digay iney tagaan xarrumaha dowladda iyo saldhigayada ciidamada AMISOM.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, Maxamed Yuusuf Cusmaan oo ka jawaabayey hadalka kazoo yeeray Cali Maxmed Xuseen ayaa shacabka Muqdisho ugu yeeray ineysan dheg jalaq u siin warka hogaamiyaha ka tirsan Alshabaab.

Maxamed Yuusuf Cusmaan ayaa sheegay in shacabka Muqdisho qaateen wadada nabadda, islamarkaana uu rajeynayo ineysan qaadan doonin hanjabaadda Alshabaab.

“Nama cabsi gelin karo Nin qol isku soo xiray oo taleefan ka soo hadlay, oo aan magaalada Muqdisho joogin, waxaa leenahay dadka Muqdisho nabad ayay qaateen, mana qaadanayaan hanjabaad iyo caga-jugleyn toona” ayuu yiri Maxamed Yuusuf.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa tilmaamay in magaalada Muqdisho ay tahay meel amaan ah, hase ahaatee laga yaabo in mararka qaar waxyaabo dhacaan.

Waaliga Alshabaab u qaabilsan gobolka Banaadir Cali Maxamed ayaa hadal u warbaahinta mariyey ku sheegay in laga fogaado meelaha ay joogaan ciidamada AMISOM iyo xarrumaha dowladda Soomaaliya, isagoo ku hanjabay iney weeraro ku qaadayaan.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %