Maamulka G. Banaadir oo yeeshay Afhayeen cusub * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maamulka G. Banaadir oo yeeshay Afhayeen cusub

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa afhayeenka cusub ee gobolka Banaadir u magacaabay Cabdifataax Cumar Xalane, oo ahaa agaasimaha waaxda warfaafinta ee gobolka.

Wareegto kasoo baxda xafiiska guddoomiyaha ayaa maanta lagu sheegay in xilka afhayeennimo laga qaaday Cali Maxamuud Faarax (Cali Seeko) loona magacaabay Cabdifataax Cumar Xalane.

Wareegtada oo ku saxiixnaa guddoomiyaha gobolka ayaa lagu sheegay in Muungaab markii uu arkay baahida loo qabo dar-dargelinta howlaha warfaafinta ee gobolka Banaadir uu magacaabay afhayeenka cusub, isagoo u rajeeyay inuu kasoo baxo shaqada loo igmaday.

Cali Maxamuud Faarax (Cali Seeko) ayaa xilka afhayeennimo loo magacaabay bishii July ee sanadkii hore.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!