Maamulka Gobolka Banaadir Oo Xalay Casho Sharaf U Sameeyey Ergada Juba “Muqdisho Iyo Kismaayo Wey Isku Xirmeen” Tarsan

Read Time:59 Second

Muqdisho – (Mareeg.com): Maamulka gobolka Banaadir ayaa xalay casho sharaf u sameeyeeyey ergada ka socda Jubooyinka iyo Gedo ee Muqdisho uga qeybgelaya shirka nabadeynta gobolladaas.

Casho sharaftaan ayaa waxaa ka qeybgayal xubno ka mid ah baarlamaanak iyo xukuumadda, waxaana lagu soo dhaweynayey ergada Jubooyinka ka socota.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ka hadlay munaasadaasi muhiimada ay leedahay nabada iyo midnimada ummadda.

Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo isaguna hadal ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in Muqdisho ay ergooyinka ka yimid gobollada Jubbooyinka soo dhaweynayso.

“Waxaan leeyahay Jubbooyinka soo dhawaada caasimadiini kusoo dhawaada marti ma tihiin, wadankiinii baad joogtiin, gobolkiinii baad joogtiin, degmadiinii baad joogtiin, dowladiinii baad la joogtiin, waxaan leeyahay ummadda Soomaaliyeed aan tashano oo colaada halaga daayo ummadda’’ Ayuu yiri gudoomiye Tarsan.

Tarsan ayaa sheegay Muqdisho iyo Kismaayo isku xirmeen, wuxuuna yiri “Muqdisho iyo Kismaayo waa isku xirmeen, Muqdisho la’aanteed gobol kale ma socon karo, Muqdisho-na ma socon karto iyadoo aanay heysan gobolada kale”.

Shirka ka socda Muqdisho ayaa looga gol leeyahay in lagu xalliyo khilaafka ka dhex jira beelaha Jubooyinka iyo sidoo kale kala shakiga u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka KMG ah ee JUBA.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %