Maamulka gobolka Banaadir oo soo dhaweyn u sameeyey madaxda saddex maamul goboleed * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maamulka gobolka Banaadir oo soo dhaweyn u sameeyey madaxda saddex maamul goboleed

Mareeg.com: Munaasabad casho shaaraf ah oo uu soo qaban qaabiyay maamulka Gobolka Benaadir, laguna soo dhayweynayay Madaxda Maamul Goboleedyada dalka, isla markaana ay ka qeyb galeen Madaxweynah Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo xubno kale ayaa xalay lagu qabtay xarunta Dowladda Hoose ee magaalada Muqdisho.

Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo maaliyadda, Ismaaciil Macalin Cabdi Guure oo ugu horeyn qaatay kalmadda soo dhaweynta ah ayaa sheegay in maamulka iyo bulshada ku nool Gobolka benaadir ay farxad u tahay soo qaban qaabinta munaasabada.

Madaxda Maamul Goboleedyada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Koonfurgalbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” oo si wada jir ah goobta hadalo uga jeediyay ayaa waxa ay sheegeen in guud ahaan Soomaalida ay sharaf u tahay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya uu Madaxda Maamul goboleedyada ugu yeero shir wada tashi ah oo looga hadlay aayaha dalka.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya,  Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo isna munaasabadda ayaa sheegay in shirka Madaxweynuhu uu ku casuumay Madaxda Maamul goboleedyada uu yahay mid loogu gogol xaarayo xoojinta midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in shirka madaxda Dowlad Goboleedyada iyo dowladda dhexe ay noqdaan kuwa si dastuuri ah laga dhigo, isla markaana la joogteeyo shirarka nuucaasi oo kale ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu dambeyntii khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneyso ka jeediyay munaasabadda ayaa uga mahadceliyay Madaxda Dowlad goboleedyada sida ay u ajiibeen u yeeritaanka uu u yeeray, waxaana uu intaa ku daray in shirarka u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada la joogteyn doono.

Madaxda maamullada Puntland, C/weli Gaas, Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Juba, Axmed Madoobe ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay Muqdisho u joogay shir wadatashi oo ay la yeesheen madaxda sare ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.