Maamulka Gobolka Banaadir oo qab qabtay Ciidamo Labisan Dareeska Dowladda oo Gaadiidka dadweynaha baaranayay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maamulka Gobolka Banaadir oo qab qabtay Ciidamo Labisan Dareeska Dowladda oo Gaadiidka dadweynaha baaranayay

Muqdisho ( Mareeg)-Guddoomiyaha maamulka Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ay wehlinayaan hay’adaha ammaanka Gobolka Banaadir ayaa saaka illaa 4 qof oo ku labisan dareeska Ciidanka dowladda ku soo bandhigay Magaalada Muqdisho kuwaas oo la sheegay in iyagoo dad shacab ah dhibaateynaya la soo qab qabtay.

Afhayeen u hadlay Maamulka Gobolka Banaadir aya sheegay in ragani la soo qab qabtay iyagoo ku guda jira falal dhac iyo baarasho ah iyadoo uu tilmaamay in duqa Muqdisho uu wacad ku maray in tallaabo ay ka qaadi doonaan cid kasta oo dhibaato ku heyso shacabka.

Ciidamada dowladda ee iyagu ka howlgala waddooyinka Muqdisho ayaa waxa ay dhac qaabeysan kula kacaan shacabka gaadiidka ku dhex wata Caasimadda Muqdisho.

Arrintaan ayaa maamulka Gobolka Banaadir sidoo kale waxa ay u arkaan mid ka qeyb qaadan karta dhibaatada Amni ee Magaalada Muqdisho.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!