Maamulka gobolka Banaadir oo mamnuucay in la soo dejiyo Mooto Bajaaj

Read Time:48 Second

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa soo saaray wareegto lagu mamnuucayo in laga soo dejiyo dekedda iyo dhammaan soohdimaha dhulka ee magaalada Muqdisho gaadiid Mooto Bajaajka ah oo cusub.

Guddoomiyaha ayaa u muddeeyey labo bilood oo maanta ka bilaabanaysa, dadka ay haatan kaga jiraan gaadiidkaasi dekedda iyo kastmyada magaalada Muqdisho.

Eng.Yarisow ayaa kula dardaarmay wadeyaasha gaadiidka Bajaajka ee ka dhex shaqeeya Caasimadda in ay ka digtoonaadaan khataraha shilalka oo marar badan ay soo diiwaan geliyeen Ciidanka Ilaalada Waddooyinku shilal sababay khasaare nafeed iyo mid maalba.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in wadeyaasha Bajaajku ay si dhaw ula shaqeeyaan laamaha ammaanka, una hoggaansamaan tallaabooyinka lagu sugayo amniga iyo hannaanka waddo marista Caasimadda.

Go’aankan ayaa salka ku haya talo soojeedin ka timid Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo odoroosay tirade xad dhaafka ah ee gaadiidka Bajaajka ee ka dhex shaqeeya magaalada Muqdisho iyo saameynta ay ku leeyihiin amniga Caasimadda.

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %