Maamulka Gobolka Banaadir Oo Lacag Loogu Talagalay Dadkii Duufaantu Ku Dhufatay Gaarsiiyey Garowe

Read Time:1 Minute, 42 Second

Garowe, Mareeg.com: Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta magaalada Garowe ee xarrnta maamulka Puntland gaarsiiyey deeq lacag ah oo laga uruuriyey shacabka ku nool Muqdisho, loogun talagalay in lagu taageero dadka duufaantu ku dhufatay degaano ka mid ah Punland bishii hore ee November 2013.

Deeqdan lacagta ah oo gaaraysa $200.000 dollar ayaa lagu wareejiyey culimaa’udiinka Puntland, iyadoo lacagtaas ay Garowe geeyeen wafdi ka socda maamulka gobolka Banaadir oo uu hogaaminayey Imaaan Nuur IIkar oo ah ku xigeenka gudoomiyaha gobolka Banaadir ee dhanka aarimaha bulsahda.

Munaasbad deeqdaasi lagula kala wareegayay ayaa ka dhacday hotel Rugsan ee magaalada Garowe, waxaana ka soo qeyb galay madax ka socotay maamulka Puntland, culimaa’üdiin, ganacsato iyo madax ka socotay gobalka Banaadir ee xukuumadda Soomaiialiya.

Ugu horeyn waxaa ka hadlay xafladda Iimaan Nuur Iikar oo ah gudoomiye ku xigeenka gobalka Baandir oo sheegay in maamulka gobalka Banadir ay wadaan lacag, taasi oo laga soo aruuriyey shacabka magaalada Muqdisho, isla markaana kaalin ay ka qaateen maamulka gobalka Banaadir.

Waxa uu intaasi ku daray Iiman nuur IIkar in Soomaalida ay iyadu is gar-gaari karto isuna soo dhawaan karto intii ay sugi lahayd gacmo shisheeye iyo hay’ado.

Waxaa sidoo kale ka hadlay goobta Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ah gudoomiyaha guddiga gurmadka ee culimaa’udiinka Puntland oo lacagta ka gudoomay maamulka gobalka Banaadir, waxa uu sheegay Sheekha in maamulka gobalka Banaadir ay soo gaarsiyeen lacagtii ugu badnayd, isagoona nabad iyo barwaaqo ugu duceeyay shacabka magaalada Muqdisho.

Waxaa geb-gebadii munaasabadda ka hadlay wasiirka deegaanka, daaqa, dalxiiska iyo duurjoogta Cabdiqani oo sheegay in shacabka ku nool magaalada Muqdisho ay qaadeen talaabo ku dayasho mudan Soomaaliduna ay yihiin dad walaalo ah oo isku gurmada.

Dhawaan waxaa dadkii dufaantu xoolaha ka qaaday la gaarsiiyey kumanaan xoolo nool ah, iyadoo xoolahaas lagu gaday lacago kaalmo ah oo debadda ka yimid iyo kuwo ay ku deeqeen dad Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa markii la uruuriyey lacgata manta la gaariiyey Garowe warbaahinta u sheegay iney qorsheeyeen in lacagtaas xoolo loogu iibiyo dadkii reer Puntland ee duufaanta iyo roobaku xoolaha ka laayeen.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %